1.
QOFKA AAN WALI FAHMIN DARIIQA LOO MARRO IYO
SIDAA LOO GAADHO GUUSHA.
Dad badan oo nolasha ka rajo dhigay waxayna
fahmin in guul la gaadho kadib marka uu qofku la kulmo guul darrooyin badan. Dadkaasi
inta badan mar ama laba Jeer ayey isku day sameeyaan ka dibna way ka jarro
dhigaan nolosha. Isaga oo aan fahmin in dhawr isku day oo kaliya uga
hadhsantahay guusha. Guushu gabi ahaan waxay ku timaadaa in qofku marar badan
khalaal badan samayso ka dibna aad isku daydo sidii aad dib ugu sixi lahayd
ilaa inta aad ka guulaysanaysid. Sidaa waa sida aan ku barangay socodka markii
aan caruurta ahayn, sidaasi waa sida aynu u baranay sida loo baabuurta loo
waddo. Waana sida guusha loo gaadho.
2.
QOFKA OO ISKA DHAADHICIYA FIKRADDO KHIYAALI AH.
Sigaarka ma dayn karro, jaadka ma joojin
karro, wadanka camal mayaalo ama ma nasiib fiicni sidaa darteed is badal ma
samayn karro sidaa darteed ma gaadhi karro guul. Fikaradahan khiyaaliga ah oo
qofku iska dhaadhiciyo waxay si adag uga qayb qaataan inuu qofku nolosha ka
rajo dhigo. Hadii qofku doonayo inuu rajada nolasha nolasha uu dib usoo celiyo
waa inuu si fiican ugu kuur gala, fikradahan khiyaaliga iyo halka ay kasoo
jeedaa isla markaana uu tijaabiyaa ka hor inta aanu rumaysan, haddii qofku
tijaabiyo waxa uu ogaan doonaa inta badan fikiradani inay khiyaali ahaayeen
nolashiisana uu been ku noolaa.
3.
QOFKA OO WAX WALBA UU MAQLO ISKA RUMAYSTA.
Arrimaha cajiibka ah ee aynu aragno waxa
kamid ah in dadka qaar oo ka rajo dhigay inay iskuday sameeyaan wax aanay
waligood arag marka aad sababta waydiiso waxaad ogaan doontaa inay kaliya
rumaysteen waxyaabaha ay saaxibadood ka maqleen ama qoyskooda ka maqli jireen.
4.
CAAJISKA IYO NAFTOODA OO AY KHIYAAMAAN.
Inta badan way fududahay in dadka qaar si
dhib yar nolosha uga rajo dhigaan iyaga oo qiranaya inaanay rajo jirin halkii
ay ka qiran lahaayeen dad-daal adag samayn. Dadka inta badan wax dadaal ah may
samayn isla markaana iskumay dhibin sidii ay uga midho dhalin lahaayeen
nolosha. Iskumayna dhibin xirfadaha ka dhiman sidii ay guul u gaadhi lahaayeen.
Rajo way jirtaa lakiin heli maysid ilaa
inta aad badalayso hab fikirkaaga iyo isla intaad qaadayso ficilo dhab ah oo
horumarinaya naftaada.
Xigasho: waxka barro channel.
Comments
Post a Comment