SIDA LOO XALIYO DHIBAATOOYINKA NOLOSHA.

Image result for stressNolashu way is badal badantahay oo galinbaa waa cayne mararka qaar ayey ku saacidaysaa mararkale ayaa laga yabaa in aad waajahdo dhibaatooyin nololeed sida Caafimaadka, Xidhiidhka, Lacagta ama  Maalka iyo kuwa kale. Kuwaasi oo kusoo waajahaya xiliyo badan inta aad nooshahay, waxaanad u bahan inaad taqaano oo aad xariif ku tahay sida xal loogu helo, taasi oo waxbadan kaa fududaynaysa.
Sidaa darteed waxaynu qoraal kooban ku soo bandhigi doonaa sida ugu fudud loo xaliyo sida inaad Maamusho Dhibaatada, Inaad Qorshe Dajiso iyo Inaad Naftaada Daryeesho.
1.       DAJISO JADWAL. Tani waa mid ka mid talaabinka ugu horeeya ee aad qaadaysid si-aad u Maamusho Dhibta. Marka aad dajiso jadwalka kadib raac jadwalkaasi. Waxa lagayaabaa inaad dareento in wax walba ay fah ka baxeed oo waxwalba ay khalkhal-sanyihiin lakiin jadwalka ayaa wax walba halkiisii kusoo celinaya.
2.       SAMEE LIIS KALA DOORASHO. Meel ku tax ama listgaree dhamaan meelaha aad u malaynayso inaad ka heli karto xalka ama sifiican u xalin kara dhibta adiga oo qoraya midkasta waxyabaha uu ku ficanyahay iyo liidashadiisa (pro and cons). isku day inaad samayso ama qabato qaar kamid ah kuwaasi adiga oo dareemaya inay waxka tarayaan xalinta dhibtan.
3.       GO-AAAN QAADO. Kadib marka aad samayso liiska aad u aragto inay wax ka tarayaa goaan qaado oo kala dooro si aad ugala soo hadho inta aad xooga u doorbidayso. Intaa kadib goaanso meesha aad u socoto. Una shaqee sida ku gaadhiisiinaysa hadafkaasi. Talaabo kasta ood dhamayso waxaad dareemi doontaa inaad usii dhawaanayso xalka.
4.       U KALA HOREYSII SIDA AY U KALA MUDANYIHIIN. Hore kasii qabo kuwaad u aragto in mudnaanta la siiyo. Waxa muhiim ah inaad qiimayn sax ku samayso sida ay kuugu kala muhiimsanyihiin iyo sida ay midkastaa kaaga caawin karto inaad gaadho hadafkaaga.
5.       DOORO DADKA KALE EE KAA CAAWIN KARA. Bini aadamku waa mid marwalba isku tiirsan, inkasta oo aad awood inaad kaligaa xal u hesho mushkiladan hadana waxa muhiim ah inaad xasuusnaato in wax kasta aanad ogayn ama kaliga qaban Karin, sidoo kale waxa dhici karta inaan hesho dad sidan oo kale ay horey u soo waajahday dhibtan, kuwaasi oo khibrad badan, waxaanad ka heli doontaa talo bixin.
6.       KA FOGOW MAAN DOORIYAHA inta badan dadku waxay bilaabaan isticmaalka maandooriyaasha sida Sigaarka, Jaadka iyo wixii lamid ah xiliyada ay la soo gudboonaad dhibaatooyinka nolasha iyaga oo u arkaya inay is ilawsiiyaan mushkilada taasina waxba kama tarayso, kaliya way ku ilawsiinaysaa. Ugu danbeyna waxa ay sababtaa inu qofku la qabsado oo iska dayn kari waayo.

Markasta isku day inaad ka fogaato maandooriyaasha.

Comments