
Dad badan ayaa aaminsan inaanay qof kale jacayl ku abuuri Karin
hadii aanu qofkaasi jeclayn. Inta badan dadka ayaa u haysta in jacaylku yahay
shay si dabiici aha u dhaca isla markaana aan lahayn wax qawaaniin ah oo lagu
xakameeyo (korna loogu qaadi karro isla markaana hoos loogu dhigi karro) balse
khubarada ku xeel dheer cilmi-nafsiga Jacayku aaminsanyihiin in jacaylku ahayn
shay iska dhaca ee uu leeyahay sharciyo lagu hago isla markaana lagu Maamulo. Haddii
aad si xeel dheer u fahanto qawaaniinta u keeyahay waxa hubaal ah inaad
kordhinayso fursada aad qof jacayl ugu abuuri karto. Waxaana ka mid ah
1.
SI FIICAN U DARYEEL MUQAALKAAGA.

Muqaalkaagu waa shayga koowaad ee door
firfircoon ka qaadan karaa inaad qofkale soo jiidan karto ama uu qof jacayl kuu
qaado.
Sida aad daryeesho muqaalkaaga iyo
caafimaadkaagu waa shayga ay dadku arki karaan sidaa darteed waa inaad wakhti siisaa
ka war hayta iyo daryeelka naftaada taasi oo keeni doonta inaad qof soo
jiidanto. Badso Maydhashada, Samee jimicsi, cun cuntooyin isku dheeli tiran,
hana ka baqin inaad samayso waxkasta oo keeni kara inaad qof kale soo jiidato.
2.
NOQO QOF-NAXARIIS LEH

Marka aad doonayso inaad qof soo jiidato
waxa lagama maar maan ah inaad noqoto qof naxariis leh. Isla markaana ula
dhaqan sida aad jeceshahay inay dadku kuula dhaqmaan. Hadii aad doonayso in
daddku ku xushmeeyaan kuna qadiriyaan waa inaad ula dhaqantaa sidaa aad
jeceshahay in laguulo dhaqmo, badanaa dadku waxa ay jeclaadaan qofka dad la
dhaqanka wanaagsan isla markaa dadka u naxariista.
3.
EE WAJIGA QOFKA
Wakhtiga aad qofka wada joogtaa ama wada
joogtaa waxa muhiim inaad si toos ah u eegto wajiga qofka gaar ahaan indhihiisa
Cilmi baadhis ay samaysay Jamacada wayn Harvard ee dadka maraykanka ayaa waxa
lagu ogaaday in lamaanaha aadka isku jecel ay is eegaan 75% kamid ah
wakhtigooda marka ay wada sheekaysanayaan. Marka dadku si caadi ah u wada
sheekaysanayaa waxa kaliya oo ay is eegaan 30% oo wakhtigooda ka mid ah. Sidaa darteed
eeg qofka 75% wakhti aad wada joogtaan taasi waxay awood kuu siinaysaa in
khiyaanto qofka maskaxdiis. Oo side aad u
khiyaamayn kartaa maskaxdiisa? Maskaxdu waxay ogtahay qofkii ugu
danbeeyey ee qof eegoo mudo sidaa u dheer waxayna u turjumataa in qofkaasi
jeclaa. Waxayna soo sartaa inay Iyana jeceshahay qofkaa si lamid ah. Waxayna siidaysaa
hormoonka loo yaqaan PEA kaasi oo lamid ah hormoonka ay maskaxdu siidayso
fiitaminka ay neerfayaashu siidaayaan marka ugu horeysa ee jacayl inagu dhaco.
4.
NOQO QOF DARIINKIISA QARSADA
Inta badan ee aad noqoto qof aan la qiyaasi
Karin isla markaana aan la fahmin Karin waxay sababtaa in qofku in baden kaa
fakaro. Inta badan ee qof kaa fakaro waa inta uu qofku ku jeclaan karo.
5.
BADDI FURSADA UU QOFKU KUGU ARKI KARO.
Inta uu qofku ku arko waa inta qofkaasi ku
xasuusto, hadii aanu qofku mado dheer ku arag waxy keenaysaa in qofkaasi ku
ilaawo. Cilmi baadhi la sameeyey ayaa lagu ogaaday in lamanahu is guursadaan
dadka inta badan is arka.
6.
BADANAA DHOOLA CADEE HADII AAD GABADHTAHAY. Waxay
ragu jacelyihiin dumarka fur-fruran ee inta baden dhoola cadeeya marka la
barbar-dhago.
7.
DHOOLA CADEED IN YAR HADII AAD RAGTAHAY.
Daraasado badan ayaa hoosta ka xariiqay in dumarku jecelyihii raga ad-adag ee
ma qoslayaasha ah.
8.
SAMEE WAKHTI CAYIMAN OO QOFKA WACDO MAALIN KASTA
ISLA MARKAANA SI KADIS AH U JOOJI DHAMAAN WACISTA. Marka ay dadku dad wax ay
filayaan inuu dhaco waxay keentaa inuu qof inabadan kaa fakaro, haddii uu wax
badan kaa fikiro waxa ay keentaa in qof
ku xidhmo isla markaana uu ku jeclaado.
DIGNIIN:
fadlan si khaldan ha u isticmaalin xogtan,
isticmaal oo kaliya hadii ay dhab kaa tahay inaad qof jaceyl ku abuurtaa.
ha ku fikirin inaad ku tijaabiso qof, ogow
qofku inuu leeyahay dareen, isla markaana aanay sax ahayn inaad qofka dhaawacdo
dareenkiisa adoo is leh ka guulayso oo kaliya