10 KA ARRIMOOD OO QOFKA KU KEENA CIMRI DEG-DEGGA JIDHKANA GELLIN HOREBA KA SOO SAARA ASTAAMAHA GABAWGA IYO COODHCOODHKA.

1.
CUNNIDA SONKORTA BADAN:
Qofka joogteeya cunista Sonkorta, aadna u
jecel waxyaabaha mac-mac macaan, waxa jidhkiisa ku dhaca waxa loo yaqaano ‘Glycation’
tan oo dhaawac u geysata muruqyada, seedaha iyo unugyada jidhka khaasatan kuwa
maqaarka, tanina waxay keenta in jidhku yeesho laa laabka, hadii jeceshahay
macaanka ku dadaal khudrada iyo furuutka. Iskana ilaali macmacaanka gaar ahaan
sonkorta.
2.
BALWADA KHAASATAN SIGAARKA IYO KHAMRIGA.
Waxa la isku waafaqsanyahay in sigaarku
keeno cilmri degdeg, taasina waxay ka timaadaa suntan sigaarka ku jirta ee
NICOTINE’ iyo fiitamin yarida nooca ‘C’ oo badanaa ku dhaca dadka sigaarka
caba, kaasi oo muhiim u ah difaaca iyo
tayeynta jidhka. Cabista qamrigu waxay waxyelaysaa jidhka waxayna si toos ah
waxyeelaysaa beerka, maqaarka, indhaha iyo xididadaba intaba.
3.
HURDO XUMIDA/HURDO YARIDA:
Marka soo jeedku bato waxa jidhka ku bata
hormoonada loo yaqaan “cristol” joogtaynta kacsanaanta hormoonadaasi uma fiicna
caafimaadka. Wuxuuna keena macaan, dhiikar, duqnimo iyo gabow deg deg ah.
4.
BOROTIIN YARIDA
Dadka kunool cunnada ay ku yartahay
borotiinku waxay ka hor duqoobaa dad kale, sababta oo ah jdhka bini aadamku
kama maarmo protienka, sidaa darteed jidhku isagaa is cunna oo protein laga
dhigaa, qofkuna sidaa ayuu ku duqoobaa oo ku dhamaadaa, waana sababta caruurta
nafaqo daradu ku dhacdo ay u muqaal eeg yihiin dadka gaboobay, meesha dadka
kunool hilibka, kaluunka iyo caanuhu ay ka muqaal duwanyihiin dadka kale.
5.
WELWELKA AMA NIYAD JABKA:
Fikirka badan, murugada iyo wal bahaarku waxay
khal khal galiyaan qaybsanaanta unugyada jidhka sida lagu arkay daraasado baden
taasina waxay keentaa inaanay unugyadu tarmin oo loo yaqaan “premature cell
death” tani waxay keentaa duqoobis deg-deg ah.
6.
QORRAXDA BADAN:
Dadka kunool dhulka kulaylaha ah hadana ku
shaqeeya qoraxda, waxay ka muqaal weynyihiin dad dooda saxda ah, waxaana taasi
lagu fasiran karaa in qoraxdu lumiso jiljileeca maqaalka dadka taasi oo loo
yaqaan “solar elastosis” maqaarku wuu adkaadaa waanu duub duubnaa.
7.
ADEEGSIGA MURUQYADA WAJIGA:
Dadbaa marka dad badan hadlayaan waxay si
badan u adeeg sadaan muruq yada wajigooda si xad dhaaf ah, taasina waxa loo
yaqaanaa ” facial mimicry” waana arin
qofku barto marka uu yar yahay iskaman joojin karro marka uu waynaado. Dadkuna iyaga
oo aan duqoobin ayuu wajigoodu coodh coodh yeeshaa.

8.
ISTICMAALKA DAAWOOYINKA LAGU QURXIYO JIDHKA:
Dadku marka ay aadka u istic malaan
daawooyinka sida make-up ka ama dawooyinka lagu qurxiyo jidhka dhaqso ayuu
jidhkoodu isku badalaa, wayna ka hor duqoobaan facooda ah maadaama waxyaabo
kiimiko ah oo la marsado ay is badal ku sameeyaan jidhka gaar ahaan maqaarka.
9.
CAAJISKA IYO JIMICSI LA’AANTA:
Sidoo kale qofka oo aan dhaq dhaqaaq ku filan
aan samayn ee noloshiisa fadhi iyo inuu gaadhi raaco u badantahay horay ayey
uga hor duqoobaan dadka facooda ah.
10.
FUUQBAXA IYO CABITAAN YARIDA
Jidhka bani aadamka jidhkoodu waxa uu ka
koobanyahay dareere, hadii jidhka ay biyuhu ku yaraadaan waxa is badala
muqaalka jidhka, waxaanu u muqdaa muqaal aanu qofkaasi gaadhin.
Arimahan aan kor kusoo xusnay waxay keeni
karaan in qofku in qofku si dabiici iyo
caafimaad ah u daryeelo isaga oo ku dadaalaya cuntooyin dheeli tiran iyo
cabayana biyo badan, yaraynaya mac macaanka badan, inuu badsado protienka ka,
iskana ilaaliyo muqaadaraadka sida sigaarka iyo khamriga iyo waxyaabo la mid
ah.
Reference: Wargeyska foore.
Comments
Post a Comment