Waxaynu ka war qabnaa sii kululaanyasha
cimilada aduunyada, waxay inta badan warbaahinta ka aragnaa wadamada ugu quwada
wayn aduunyada oo ka doodaya qaabkii loo xakamayn lahaa sii kululaashaha
cimilada dunida iyaga oo iksu dayaya inay dhimaan waxyaabaha keena isbadalka
cimilada sida qiiqa hawada ay warshaha waa wayni kusii daayaan. Sidaa darteed
hoyga cilmigu waxa uu maqaal kooban ku eegi doonaa meelaha aduunyada ugu kulul
iyo kuwa ugu qabow, waxaanu kasoo qaadanay midkasta shanta ugu sareeya.

Shanta Goobaha ugu kulul dunnida.
Cilmi baadhi ay sameeyee khubaro ku xeel
dheer is badal cimilada aduunka ayaa shantan goobood u aqoonsaday ku ugu kulul
dunida sida ay ku waramayso jariirada caanka ah ee Half post.
1.
Al-ahwaaz oo ku wadanka iiraan, waxaana heer kul
keedu gaadhaa 54 darajo.
2.
Madraba- waa goob yar oo ku taala wadanka kuwayt
oo heer kulkeedu gaadho ila 54 digrii
3.
Dead valley waxay ku talaa califoria oo ah
cariga maraykanka waxaanu heel kulkeedu gaadhaa ilaa 54 digrii.
4.
Basra- waa magaalo ku taala wadanka ciraaq,
waxaanu heer kuleedii gaadhaa ilaa 53.9 digrii.
5.
Al saliibiya oo dalka kuwayt ah, waxaan heer
kulkeedu gaadhaa ilaa 53.9 digrii.
SHANTA GOOBOOD EE ADUUNYADA UGU QABOW
1.
Bariga qaarada barafka ah ( East Antarctica),
waxaanu heerka qabowgeedu gaadhaa ilaa 94 darajo oo ka hoo seeya heerka ay
biyuhu ku barafoobaan.
2.
Fostog oo ruushka ah waxaanu heerka qabowgeedu
gaadhaa ilaa 89 darajo oo ka hoo seeya heerka ay biyuhu ku barafoobaan.
3.
Amundsen oo Scotland ah, waxaanu heerka
qabowgeedu gaadhaa ilaa 82 darajo oo ka hoo seeya heerka ay biyuhu ku
barafoobaan.
4.
Figta Argues oo ku taalla cidhifka kulaylaha
koonfureed, waxaanu heerka qabowgeedu gaadhaa ilaa 81 darajo oo ka hoo seeya
heerka ay biyuhu ku barafoobaan.
5.
Ayumyakon oo ruushka ku taala, waxaanu heerka
qabowgeedu gaadhaa ilaa 67 darajo oo ka hoo seeya heerka ay biyuhu ku
barafoobaan.
Comments
Post a Comment