FAA-IDOOYINKA CAAFIMAAD EE TOONTA.

Toonta waa geed faa-idooyin farabadan leh gaar ahaan dhinaca caafimaadlka. Somalidii hore toonta waxay u isticmaali jiree daweyn xanuun badan. Inta baden guryaha dadkii hore lagama waayi jirin toonta wakhti kasta. Waxaanu qoraalkan kusoo bandhigi doonaa faa-idooyin caafimaad ee baryahan danbe khubarada caafimaadka ka ogaadeen TOONTA Waxa kamid ah.
1.      
          JEEXA JEEXA LUGAHA.
Hadii lugaahaagu jeex jeex ku aragto waxa jira ili ma qabatayga fangi taasina waa sababta keentay in cagahaagu jeexjeexmaan. Si aad arintaa meesha uga saarto, toonta waxa u iticmaali kartaa in arintaa ku daweyso adiga oo lugahaaga dhex galinaya biyaha toonta kuna xoqoya.
2.       
      CAAFIMAADKA WADNAHA.
Waxay khafiifisaa dhiiga cuslaaday kaasi oo marka danbe isku badala xinjiro. Xinjirahaas oo xidha ama xaniba socodka dhiiga ee xididada jidhka. Toontu waxay kordhisaa isu socodka dhiiga. Waxa kale oo ay toontu fudaysaa socodka maadada ironta ee dhiiga iyada oo sifaynasa halbowlaa jirdhka.
3.      
      ALARJIGA
Toonta waxa ku jira maadada Anti-inflammatory oo awood badan u leh inay isku xayndaabta daadajiyayaasha jirka ee soo tooraya maadooyinka prostaglandins iyo thromboxane oo ka samaysanyahay ALARJIGU kana hor istaagayga abuuritaasnkiisa iyo dhaqdhaqaaqiisa. Waxa kale oo aad toonta u isticmaali kartaa inaad ku shubto boogaha iyo nabraha ku cuncuna.
4.       
     

HARGABKA
Toontu waxay kaa daaweynaysaa hargabka iyo xiiraanyada dhuunta. Hadii aad tunto 2 ama 3 midh oo toon ah ayaad u isticmaali kartaa sida uga faagaato cabudhka iyo riiraxanyaha. Adiga oo la isticmaalaya malab.

Toonta ayaa loo isticmaali karaa inaad ku daweyso xanuuno badan oo kale.

Comments